spot_imgspot_imgspot_img

Hogaamiyaha Iran oo kasoo jawaabay warqadii uu Donald Trump u diray.

Sabti 8,March 2025 {HMC} Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa maanta cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “xoog-sheegasho,” maalin kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu hanjabay Iran tallaabo milatari.

“Dowladaha xoogga wax ku raadiya— runtii ma heli karo erey ka habboon qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta shisheeye in aan ku tilmaamo xoog-sheegad—ayaa ku adkaysanaya wadaxaajood,” ayuu Khamenei u sheegay mas’uuliyiin sare, isagoo ka jawaabayay hadalkii Trump ee ku saabsanaa suurta-galnimada tallaabo milatari haddii Iran ay diiddo inay wadahadal ka gasho barnaamijkeeda nukliyeerka.

Khamenei ayaa tilmaamay in dowladaha awoodda leh ay doonayaan inay Iran ku soo rogaan shuruudo cusub oo aan macquul ahayn.

“Waxay soo bandhigayaan shuruudo cusub oo ay og yihiin in aanay Iran aqbali karin,” ayuu yiri isagoo aan si toos ah u magacaabin Maraykanka ama aan tixraacin warqadda Trump.

Jimcihii, wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa waraysi uu siiyey AFP ku sheegay in Tehran aysan galayn wax wadahadal ah inta lagu jiro “cadaadiska ugu sarreeya,” inkasta oo uusan si toos ah u xusin warqadda Trump.

Xiisadaha Maraykanka iyo Iran ayaa sii xoogeystay tan iyo markii Trump uu 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Dhammaystiran (JCPOA), kaas oo 2015 dhexmaray Tehran iyo waddamada reer Galbeedka.

Heshiiskaas ayaa Iran u ballanqaaday fududeyn cunaqabatayn dhaqaale, beddelkeedana waxaa lagu xaddiday hawlaheeda nukliyeerka. Tehran ayaa muddooyinkan dambe wadahadallo diblomaasiyadeed kula jirtay saddexda waddan ee Yurub—Britain, Faransiiska iyo Jarmalka—si xal looga gaaro murannada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Khamenei ayaa maanta sidoo kale cambaareeyey dalalka reer Galbeedka isagoo yiri, “Waxay nagu eedaynayaan inaanan fulin ballanqaadyadii JCPOA, laakiin idinku, miyaad fuliseen ballanqaadyadiinii JCPOA?”

– Ujeedo nabadeed –
Khamenei ayaa sheegay in Iran ay muddo sanad ah oofisay ballanqaadyadeedii heshiiska, balse aysan jirin waddo kale oo u furneyd oo aan ahayn inay dib uga laabato qaar kamid ah ballanqaadyada heshiiska, taas oo ka dhalatay sharci cusub oo baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay.

Saraakiisha Maraykanka ayaa hadda qiyaasaya in Iran ay awood u leedahay inay hub nukliyeer ah ku samaysato toddobaadyo gudahood haddii ay go’aansato. Tehran ayaa si joogto ah u beenisa inay doonayso hub nukliyeer ah, iyadoo mar walbana sheegta in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale si xooggan uga soo horjeesatay wadahadallo cusub oo lala yeesho Washington, iyadoo Khamenei uu sheegay in “aysan ahayn arrin caqli-gal ah” inay dib ula fariistaan Maraykanka kadib markii Trump uu “burburiyey, jebiyey, oo uu ka baxay heshiiskii 2015.”

Sanadkii 2019, muddo sanad ka badan kadib markii Trump uu ka baxay JCPOA, Ra’iisul-wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo Iran iyo Maraykanka, balse Khamenei ayaa gebi ahaanba diiday inuu wadahadal cusub la galo Washington.

WARARKA