Jimco 7,March 2025 {HMC} – Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in la xidhay askari booliis ah oo muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay Khamiistii, isaga oo gabadh dhallinyaro ah u gacan qaadaya.
Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in askarigaasi uu ku kacay ficil ka baxsan anshaxa booliska, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loogu soo oogo eedaha loo haysto.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Bol-Askari Hadi Cumar Baadi, kaasi oo gabadh yar dhirbaaxaya baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo baal-marsan anshaxa iyo dhaqanka Ciidanka Booliska JSL. Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada,” ayaa lagu yidhi warbixinta booliska.
Maaha markii ugu horreysay ee maxkamad lasoo taago askari tacaddi u geystay qof shacab ah. Sanadihii lasoo dhaafay, waxa xabsi lagu xukumay askar lagu helay eedo la xidhiidha inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxa kale oo jira qaar kamaradaha kasoo muuqday iyaga oo dembiyo geysanaya balse aan cadaaladda la hor keenin. Waxaana jira dad badan oo aaminsan in booliska isbeddel buuxa lagu sameeyo.
“Waxba ka tari mayso dhibaatada booliisku dadka ku hayo. Waxa habboon in booliska dib u habayn lagu sameeyo oo la saxo,” ayuu yidhi Garyaqaan Guleed Dafac, oo u ololeeya in anshaxa booliska la hagaajiyo, oo faalo ka qoray taalabada booliisku ka qaaday askarigan.
Xukuumadda Somaliland ee haatan jirta, oo lafteedu hore dhibane uga ahayd tacaddiyada booliiska xilligii ay mucaaradka ahayd, ayaa wada qorshayaal dib u habayn loogu samaynayo nidaamka cadaaladda booliiska iyo nolosha xabsiyada.