spot_imgspot_imgspot_img

Manchester United oo dooneysa Mateta iyo warar kale oo suuqa ah

Jimco 7,March 2025 {HMC} Kooxda Manchester Unite foo Ingiriiska ka dhisan, ayaa dooneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Faraanska ee afka hore ugu dheela kooxda Crystal Palace, Jean Philippe Mateta, kaas oo 27 sano jir ah. (Sun)

Real Madrid, Bayern Munich, Chelsea na Tottenham, dhamaantood waxay tartan ugu jiraan la soo wareegidda ciyaaryahanka Bournmouth ee 21 sano jirka ka yar, Dean Huijsen oo 19 sano jir ah, kaas oo qiimiha uu suuqa ku joogo yahay 5o milyan oo pound. (Mail).

West Ham iyo Crystal Palace, waxay kamid yihiin kooxaha xili ciyaareedkan doonaya inay la soo saxiixtaan ciyaaryahanka Ingiriiska ee Southampton u dheela, Taylor Hardwoods-Bellis, kaas oo 23 sano jir ah (Football Insider)

Atletico Madridna, waxaa la rejeynayaa inay diyaariso 60 milyan oo Euro, si ay ula soo wareegto weeraryahanka kooxda Marseille iyo xulka Ingiriiska, Mason Greenwood oo 23 sano jir ah dhamaadka xili ciyaareedkan. (Fichajes – in Spanish)

WARARKA