spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Ukraine oo raali galiyay Tump iyo wadahadallo u bilaabanaya labada dhinac

Jimco 7,March 2025 {HMC} Wadahadallada Maraykanka iyo Ukraine ayaa lagu qaban doonaa Sacuudiga toddobaadka soo socda, sida uu sheegay Madaxweyne Volodymyr Zelensky, isagoo muujiyey rajadiisa ah in kulankaasi uu noqon doono “mid macno leh.”

Hoggaamiyaha Ukraine, oo tagi doona Khaliijka balse aan ka qeyb ka hayn kulanka, ayaa sheegay in Kyiv ay ka shaqaynayso sidii loo gaari lahaa nabad “degdeg ah oo waarta.”

Wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka, Steve Witkoff, ayaa sheegay in kooxda Maraykanka ay rabto inay ka wada hadlaan “qaab-dhismeedka” nabadda si loo joojiyo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Jimcihii la soo dhaafay, Zelensky iyo Trump ayaa isku dhacay oo hadalkii ayaa ka tag-taagmay xilli ay ku sugnaayeen Aqalka Cad, markaas oo Trump uu sheegay in Zelensky uusan diyaar u ahayn inuu joojiyo dagaalka.

Wixii intaa ka dambeeyay Maraykanku waxa uu bilaabay in uu joojiyo gargaarkii milatari ee Ukraine iyo in uu hakiyo wadaagidda arrimaha sirdoonka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadaas isagoo isku dayay in uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Mareykanka – oo ah kan ugu weyn ee dalkiisu ka helo saanadda militeri.

Khamiistii, Witkoff wuxuu sheegay in Trump uu ka helay warqad Zelensky u uku “raaligelin” iyo “mahadcelin ah”.

“Rajadayadu waa in aan wax walba dib u saxno oo xiriirka Ukraine la soo celiyo, waxaana waxaana dib u bilaabaynaa wax walba,” ayuu yiri Witkoff.

Zelensky waxaa saarnaa cadaadis xoogan oo Mareykan uga imaanayay si uu u sameeyo tanaasul ka hor wadahadal kasta oo nabadeed, halka madaxweynaha Ukraine uu ku adkeysanayay in la helo dammaanad adag oo amniga Kyiv ah.

Ruushka ayaa duullaan adag ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022-kii, wuxuuna hadda maamulaa ilaa 20% dhulka Ukraine.

Zelensky ayaa ku dhawaaqay wadahadalka Mareykanka iyo Ukraine ee Sacuudiga isagoo qoraallo taxane ah soo dhigay baraha bulshada, ka dib markii uu ka qeyb galay shirkii xasaradaha ee ka dhacay Brussels halkaas oo madaxda Midowga Yurub ay ku ayideen qorshaha kor loogu qaadayo kharashka difaaca.

“Kooxaha Ukraine iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabay shaqada, waxaana rajeyneynaa in usbuuca soo socda aan yeelan doono kulan macno leh,” ayuu ku qoray bartiisa X.

“Ukrayn waxay raadinaysay nabad tan iyo markii uu dagaalku bilowday, waxaana mar walba sheegnaa in dagaalku uu sii socdo kaliya sababtun waa Ruushka.”

Zelensky wuxuu ku booriyay dalalka caalamka inay cadaadis dheeri ah saaraan Moscow si ay “u aqbasho baahida loo qabo joojinta” dagaalka.

Waxa kale oo uu si cad u sheegay qorshe xabbad joojin ah oo uu horraantii toddobaadkan soo bandhigay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasoo ah xabbad-joojin hawada iyo badda ah, iyadoo la joojinayo sidoo kale weerarrada ka dhanka ah tamarta iyo kaabayaasha kale ee rayidka ah.

Ruushka si cad ugama hadlin soo jeedinta Faransiiska.

Khamiista, Putin wuxuu sheegay in Moscow ay raadinayso nabad “taas oo xaqiijinaysa xasilloonida waddankeenna marka loo eego aragtida fog.

“Uma baahnno wax ay leeyihiin dadka kale, laakiin kama tagi doono wax kasta oo aan leenahay,” hoggaamiyaha Kremlin-ka ayaa sidaasi yiri

Ruushka ayaa qabsaday dhulka Crimea ee koonfurta Ukraine 2014-kii, isagoo sheeganaya afar gobol oo kale oo Ukraine ah oo ku yaalla koonfur-bari- inkastoo Moscow aysan si buuxda u maamulin.

Ukraine iyo xulafadeeda reer Yurub ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay muujiyay walaac ku saabsan waxa ay inta badan qaaradda u aragto in ay tahay soo dhaweyn Donald Trump u sameynayo Ruushka.

Trump ayaa wacad ku maray intii lagu jiray ololihii doorashada Mareykanka inuu si degdeg ah dagaalka u soo afjari doono, waxaana wadahadalo hordhac ah Mareykanka iyo Ruushku ku yeesheen bishii hore Sacuudiga – iyadoo aysan goobjoog ka ahayn wakiillada Yurub iyo Ukraine.

Go’aanka Maraykanka ee joojinta gargaarka milatariga ee Ukraine ayaa loo arkaa in uu yahay hab ay maamulka Trump ku doonayaan in Kyiv ay la shaqeyso wadahadalada nabadda ee uu hogaaminayo Maraykanka.

Cadaadis kasta oo Maraykanku ku saaray Moscow in ay sameyso waxa Mareykanku rabo ayaan loo soo bandhigin weli.

WARARKA