Khamiis 6 Maarso 2025:{HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya dalka Yemen si loo soo geliyo Soomaaliya, taasoo jabinaysa cunaqabateynta hubka ee saaran Al-shabaab.
Xayiraaddan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda xagjirka ah, oo ah isha ugu weyn ee xasilloonida darrada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Hubka ka yimaada Yemen oo ah dal laftiisa ay ka jiraan colaado daba dheeraaday ayaa sii xumeynaya caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya.
Golaha amaanka ayaa marar badan ka hadlay muhiimada ay leedahay in loo hoggaansamo cunaqabateynta hubka si looga hortago in Al-Shabaab ay xoojiyaan awoodooda ciidan.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah inay xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan la socodka iyo ka hortagga shixnadaha hubka sharci darrada ah, iyo inay la shaqeeyaan ururada gobolka sida Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD si arrintan wax looga qabto.