spot_imgspot_imgspot_img

Xubno katirsanaa Daacish Oo Ka Faa’iideystay Cafis Uu Maamulka Puntland U Fidiyay

Talaado 4, March 2025 {HMC} Puntland ayaa soo dhoweeysay dad lasoo xiriiray oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas ka faa’iideystay cafiska uu u fidiyey madaxweyne Siciid Deni, taasoo loogu talagalay cid kasta oo hore ula shaqeynaysay kooxda Daacish, balse ka soo laabatay fikirkaasi.

Inkastoo aan lasoo bandhigin dadkan isisoo dhiibay, haddana war-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka la dagaalanka Daacish ee Hillaac, ayaa lagu sheegay, in Puntland ay bogaadisay xubnaha maamulka iyo waxgaradka fududeeyay fursaddan, iyagoo gacan ka gaystay in dadkaasi ay is dhiibaan.

Sidoo kale, maamulka Puntkand waxa uu xusay in fursadda wali furan tahay inta uu ka dhammaanayo wakhtigii loogu talagalay toddobaadkan.

Puntland waxay caddeysay in hawlgalka ciribtirka argagixisada uu sii socon doono ilaa guud ahaan gobolka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

Maamulka ayaa mahad celin u diray shacabka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah, kuwaasoo ay ku ammaantay inay si firfircoon uga warbixiyaan firxadka Daacish iyo cid kasta oo looga shakiyo falal amni darro.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan cafis u fidiyay cid kaste oo iskusoo dhiibta gacanta maamulkiisa, isagoo siiyay muddo 7 cishe ah inay uga faaidaystaan inay iskusoo dhiibaan, kana laabtaan fikirkooda.

WARARKA