Talaado 4, March 2025 {HMC} Ismaamulka dhaca Koofur Galbeed ee Kenya laguna magacaabo Kisii waxaa ka dhacay isku dhac salkiisu yahay Lo’ la kala dhacay sida ay xaqijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka oo xogtaan la wadaagay warbaahinta gudaha Dalkaas.
Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaalkaan gacmaha la isula tagay ee ka dhacay Ismaamulka Kisii gaar ahaan Xuduudda Transmara ee galbeedka Bomachoge Borabu sida wararku sheegayaan.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday Fallaar, Manqar iyo Ulo waxaana markii dambe ku baxay ciidamo katirsan kuwa ammaanka oo xogtaan loo gudbiyay si ay u kala celiyaan labadaan dhinac ee dagaalamayay ku dhawaad saacad.
Kulan degdeg ah oo Hay’adaha amniga isugu yimaadeen ayay uga tashteen sidii ay ku xakamayn lahaayeen isku dhacyada salkoodu yahay Xoolaha la kala dhacayo iyo muranka kale ee dhinaca daaqsinta ama dhulka naqa badan leh.
Ciidamada gaarka ah ee GSU ayay Dowladda Kenya u dirtaay dhulka isku dhacyada xoolo dhaqatada ka jiro maadaama unugtaas ay tahay mid si gaar ah u tababaran lagana cabsado marka lagu arko iyaga oo howlgallaya.