spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Ammanka oo cusboonaysiiyay tallaabooyinka cunaqabaynta dhoofinta dhuxusha

Talaado 4, March 2025 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay tallaabooyinkooda ku aaddan ka-hortagga dhoofinta hubka iyo dhuxusha, si loo curyaamiyo shabakadda ganacsiga ee Al-Shabaab.

Go’aan loo dhan yahay, oo kasoo baxay 15-ka xubnood ee Goluhu ayaa lagu kordhiyay dhaqangelinta cunaqabaynta hubka ee saaraan Alshabaab, si loo cuuryaamiyo hawlgallada Al-Shabaab oo ay ku jiraan weerarrada argagixisada iyo ganacsiga suuqyada madow ay khatar toos ah ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Qaraarkan ayaa siinaya Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood ay ku qabtaan oo ay ku baaraan maraakiibta looga shakisan yahay inay hub ama dhuxul sharci darro ah ku safrinayaan biyaha Soomaaliya iyo guud ahaan aagga badda oo dhan, oo ay ku jiraan Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Mamnuucidda Qaramada Midoobay ee 2012 ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa looga golleeyahay in la gooyo ilaha dhaqaale ee aasaasiga ah ee Al-Shabaab.

Xayiraadda ayaa sidoo kale baabi’isay warshadihii dhuxusha ee Soomaaliya. Dad badan ayaa hadda ku baaqaya in dib loo qiimeeyo siyaasaddan, iyaga oo ku doodaya in ay waxyeello ka badan u geysatay Soomaalida caadiga ah marka loo eego shabakadihii xagjirka ahaa ee la doonayay in lagu wiiqo.

WARARKA