Talaado 4, March 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in uu ka walaacsan yahay xiriirka sii kordhaya ee u dhaxeeya Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxay Ku baaqday in la iska kaashado la shaqeynta guddiyada golaha ammaanka ee Yemen iyo Soomaaliya si loola socdo xiriirka ka dhexeeya labada urur, oo Maraykanku u arko ururro argagixiso.
Tani waxay ku soo beegantay hadal uu jeediyay John Kelly, oo ah ku simaha Safiirka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, xilli waqti kordhin loo sameeyay Guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha amaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab.
Kelly waxa uu khudbadiisa ku sheegay “Waddooyinka tahriibinta ee ka gudba Badda Cas ee isku xiraya kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo kuwa Yemen waa in lala yimaada muhiimad weyn iyo iskaashiga caalamiga ah”.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka walaacsanahay xiriirka sii kordhaya ee ka dhexeeya Kooxda Al Shabaab iyo Xuuthiyiinta.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan dhiirigelineynaa wadahadal dhexmara guddiyada cunaqabateynta saaran Yemen iyo Al-Shabaab, iyo dalalka Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, si loo iftiimiyo xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, ugu dambeyntiina lagu kala saaro”.