Talaado 4, March 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex nin oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.
Saddexda nin oo haatan ku jiro gacanta hay’adaha amniga ayaa waxaa lagu qabtay agagaarka Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u dhow laamiga dheer, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Xogta raggan ajaaniibta ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka deegaanka, kadibna waxaa howlgalay oo sidaas kusoo qabtay ciidamada ammaanka ee Puntland oo haatan baaris ku haya ajaaniibta soo gacan gashay.
Sidoo kale waxaa saddexda nin korkooda ku yaalla dhaawacyo rasaaseed iyo asataamo kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.
“Ciidanku waxay qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada Teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Dhanka kale, howlgallada oo weli sii socda ayaa jab lagu gaarsiiyay Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari.
Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.
Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.
Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.