Axad 2, March 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgalo culus ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkaan ciidamadu ka wadaan nawaaxiga deegaanka Biyo Cadde ayaa daba socda dagaal culus oo Shalay deegaankaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaaalka Shalay ka dhacay Biyo Cadde ayaa lasoo wariyay inuu ahaa kii ugu xoogana oo halkaasi ka dhaca waayahan dambe, islamarkaana socday mudo ka badan lix saacadood oo xiriir ah oo dhinacyadu isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen in dagaalka uu ka dhashay khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac.
Ciidamada is garabsanaya ayaa saakay isku fidiyay daafaha deegaanka Biyo Cadde oo ay ka wadaan howlgalo ay ku sheegeen iney ku baac sanayaan kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka Shabeellaha Dhexe.