Sabti 1, March 2025 {HMC} Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho ay tahay “tusmeyn cad oo muujinaya hagaajinta xiriirka labada dal iyo bilowga bog cusub oo xiriirka labada dal ah,” waa Booqashadiisi ugu horeeysay ee Abiy Axmed uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii Ankara ay ku dhawaaqday 11-kii December in khilaafka labada dhinac lagu xaliyay dhex dhexaadinta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
“Horumarka guud ee labada dal waa mid isku xiran,” ayuu afhayeenku ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcihii, isagoo ku nuux-nuux saday in “amniga Soomaaliya uu si toos ah u saameynayo xasilloonida Itoobiya, Wuxuu shaaca ka qaaday in labada dal ay ku heshiiyeen in la iska kaashado mashaariic istiraatijiyadeed oo ay ka faa’iideysanayaan shacabka labada dal, iyo in Itoobiya ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonto howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
“Waan ka mahad-celinayaa soo dhawayntii diiranayd ee walaaltinimada lahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu sameeyay Muqdisho Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu afhayeenka sii raaciyay hadalkiisa.
Dowladda Soomaaliya khamiistii lasoo dhaafay waxa ay soo dhoweeyn ay magaalada Muqdisho ugu sameeysay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaana ay qeyb ka ahayd dardar gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii Ankara sidii ay Dowladda Soomaaliya ay marin biyood uga heli lahayd biyaha Soomaaliya.
Socdaalkii Abiy Axmed Kadib, wareysi uu warbaahinta siiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa sheegay inaysan Itoobiya u ogolaan doonin biyaha xiga degaanada badda cas balse waxa uu badelkeedi sheegay in ay Dekado ay ganacsayadeedi soo maraan ay siin doonto Dowladda Soomaaliya.