spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka oo Mooshin u Gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka

Sabti 1, March 2025 {HMC} Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku qabaan dhinaca safarka si gaar ah Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin in guddoonkooda uga jawaabo waxa uu ka yeelayo dhibaatooyinka ka jira deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo caddeymo ay u hayaan maadaama marka ay buuq sameeyaan xildhibaannadu la ganaaxo.

Mudaneyaashaan ayaa qaarkood markii ay kahor hadlayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay dood kala hortagayeen Guddoonkooda, waxa ay dalbadeen in isla xisaabtan la helo si loo qaato mas’uuliyadda Xildhibaannadii la xayiray sida uu hadalka u dhigay.

Qaarkood ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe ka dalbaday in uu u raaco berri Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ka sheeganayeen dhibaatooyinka ku qotoma mooshinkooda ee dhinaca u safridda Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Xildhibaannada Mooshinka gudbiyay waxa ay dalbadeen in loo yeero Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee shaqada ku leh Ciidamada ay ka cabanayaan ee safarkooda caqabadda ku noqday sida ay ku dareen hadal jeedintooda.

La soco wixii kasoo kordha

WARARKA