Sabti 1, March 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka hadlay xarigga Cabdi Maxamed Suubiye oo ku magac dheer Cabdi Wabiir kana tirsanaa ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Deegaanka Ceel Cali Axmed Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Cabdi Wabiir ayaa la xiray kaddib markii muuqaal ay ka duubtay ‘AS’ lagu baahiyay Baraha Bulshada inkasta oo markii dambe uu ka hadlay arrintaas isaga oo sheegay in uu gacanta u galay kuna soo baxday si xeeladeysan sida uu yiri.
Furimaha Dagaalka oo ay tageen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa lasoo xiray Cabdi Wabiir si baaris loogu sameeyo.
Guddoomiye Shuute oo la hadlay Ciidamo katirsan kuwa deegaanka ee Macawiisleyda waxa uu u sheegay in baaristu socoto sidaas awgeed marka go’aan laga gaaro kaddib la shaacin doonno waxa kasoo baxa baaristaas.
“Cabdi Wabiir iyo arrintiisa anaga waxa uu inoo ahaa nin idinka mid ah oo dagaalamaya oo halgamaya oo diidan dhibaatada ayuu inoo ahaa waana inoo yahay ilaa hadda, waala baarayaa ayaa la yiri, haddii sida aan ku naqaanay uu noqdo halyeygiisa ayuu inoo ahaanaa, haddii kitaabkiisa uu dhaqmay sida oo dhinaca kale kasoo jeystay sida uu u camal falay ayaa loo camal falaa” G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.
Cabdi Wabiir ayaa 21kii Febaraayo waxa uu kasoo muuqday Baraha Bulshada isaga oo sheegay in dagaal culus saacado badan socday ay la galeen ‘AS’ iyada oo ay xigtay in uu muuqaal soo duubay isaga oo la jooga Shabaab, 27kii Febaraayo ayuu markale soo muuqday isaga oo tilmaamay in uu gacanta u galay ‘AS’ balse si xeeladeysan uga soo baxay.