spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Suleyman Xasan Waaberi oo u Tartamaayo xubinaha Sarre ee guddiga FIFA.

Sabti 1, March 2025 {HMC} Suleyman Xasan Waaberi, oo ah guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kubadda Cagta ee qaaradda Afrika sheegay inuu u tartamayo xubin ka mid ah Guddiga Kubadda Cagta Dunida ee FIFA.

Mr Waaberi oo muddo dheer ka mid ahaa bahda kubadda cagta, ayaa sheegay in shan kursi oo bannaan ee guddiga FIFA ay u tartamayaan toban musharrax oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah.

Suleyman oo hada safar ku marayey qaaradda Afrika, oo qayb ka ah ololihiisa doorashada FIFA, taas oo la qaban doono bartamaha bisha Maarso ee Sanadka 2025.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WARARKA