Jimco 27, Feb 2025 {HMC} Cali Maxamed Cumar Cali Balcad Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in iyagu aysan ahayn meesha ay dhibaatada ka timid ee diidmada warqadda habraacada dalbashada Visa ha dal ku galka dalka Koonfur Afrika waxaana uu cadeeyay in warqadii ay u direen Dowlada Koonfur Afrika kusoo celisay warqadii ay u direen.
Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay soo weydiisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya wafdiga Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble cidda ay u socdeen ee Dowladoodi ah ee ku casuumtay dalkaasi.
Waxaana Dowladda Koonfur Afrika ay suaal galisay sida Ra’iisul wasaare hore uu u hogaamin karo wafdi wasiiro iyo xildhibaano ah iyagoon sidoo kale aan haysan wax warqad casuumaad Dowladeed ah, Balse Wasiir Cali Balcad waxa uu qiray in Xildhibaan Cabdullahi Carab uu markale ku laabtay una sheegay inuu ku safrayo Baasaboorka Soomaaliga ayna u fududeeyeen inay visaha u soo saaraan.
War qoraal ah uu Xildhibaan Cabdullaahi Carab kusoo daabacay bartiisa Facebook isagoo ka jawaabaya hadalka Wasiir Cali Balcad waxa uu yiri: “Waxaan oganahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay Warqaddaas diidayna in ay ka gudubto Archive-yada Wasaaradda arrimaha dibadda”.
Waxa uu intaas raaciyay warkiisa “Markaan xaqiiqsanay in warqadaas la hor istaagay waqtina nagu socdo ayaan aniga waxaan maray Guddoonka Baarlamaanka si la mid ah Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka si aan visaha u qaato, wafdigii qeyb ka mid ah waa u suura geli weyday inay safraan, R/Wasaare hore Rooble”.