spot_imgspot_imgspot_img

Ciyaartoyda hibada leh ee Afrika oo ku sii badanaya horyaalka Sacuudiga

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Ciyaartoyda Afrikaanka ah ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona xilli uu xilli ciyaareedka horyaalka Pro League ee Saudi Arabia uu u sii gudbayo heerkiisa ugu sarreeya bisha May, iyadoo in ka badan 50 ciyaartooy oo ka kala yimid qaarada Afrika ay ku baahsan yihiin 18 ka kooxood ee heerkan.

Ciyaartooyda qaar waa magacyo caan ka ah adduunka sida Pierre-Emerick Aubameyang, Sadio Mane iyo Riyad Mahrez, laakiin ciyaartoy badan oo aan caan ahayn ayaa sidoo kale horumaraya.

Weeraryahanka Morocco Abderrazak Hamdallah, weeraryahanka Cameroon Georges-Kevin Nkoudou, weeraryahanka Gambia-ka Musa Barrow iyo Myziane Maolida oo Comoros ah ayaa dhamaantood ku biiray kooxda Aubameyang iyagoo dhaliyay goolal badan oo horyaalka ah.

Marka laga yimaado suuqa wanaagsan ee Yurub, guulaha noocan oo kale ah waxay ka dhigan tahay in Sacuudi Carabiya ay hadda soo jiidaneyso ciyaartoyda Afrikaanka ah.

 

“Waa nolol iyo dhaqan ka duwan laakiin haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso oo aad sidoo kale jeceshahay ciyaarta, wax walba waa in aad u hurtaa,” ciyaartooyda reer Nigeria Henry Onyekuru ayaa sidaasi u sheegay BBC Sport Africa.

Qeybta danbe ee garoonka, goolhayeyaasha sida Morocco Yassine Bounou iyo daafacyada ay ka mid yihiin Kalidou Koulibaly iyo William Troost-Ekong, oo labaduba kabtan u ah dalalkooda Senegal iyo Nigeria, ayaa muujiyay qiimaha ay leeyihiin .

“Ciyaartoyda Afrikaanka ah si wanaagsan ayay uga socdaan Pro League, sababtoo ah cimiladu waa isku mid, waxaan la qabsanay kulaylka” ayuu yiri Troost-Ekong oo 31 jir ah, oo sidoo kale ah kabtanka naadigiisa Al-Kholood.

“Inta badan waxaa jira kooxa waaweyn oo ciyaaraha ah kuwaas oo na siinaya fursad aan ku muujino awooddeena ciyaareed -xoogeena iyo xawaarahaba.

“Guud ahaan Sacuudi Carabiya waa meel aad u fudud oo lala qabsan karo, gaar ahaan meel sida Nigeria oo kale ah oo kala bar dadka ku nool ay yihiin Muslim.”


Onyekuru wuxuu u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Monaco, Galatasaray, Anderlecht iyo Olympiacos ka hor inta uusan u wareegin Al-Fayah bishii Agoosto 2023.

Ka dib markii uu siddeeddii sano ee ugu horeysay ee xirfaddiisa sare ku qaatay Yurub, wuxuu aaminsan yahay in kooxaha Sacuudi Carabiya ay ka faa’iideysan karaan kuwa ka soo jeeda qaarada uu Afrika.

“Habka Nolol nololeed iyo dhaqankuba ayaa caawiyay caawiyay,” Onyekuru, oo 15 kulan u saftay Nigeria intii u dhaxaysay 2017 iyo 2022, ayuu yiri.

“Ciyaartoyda Afrikaanka ah qaarkood aad bay u jecel yihiin goobaha lagu caweeyo laakiin halkan ma samayn kartid taas, halkan wax badan ayaad sameyneysaa tababarka ka dibna guriga ayaad aadeysaa ooaad ku nsaneysaan iyo daawashadao filimada,kadiban aad sugeysaa ciyaarta maalinta xigta, tababarrada iyo wixii la mid ah.

“Waxyaabahaas oo dhan diiradda ayaa saari kartaa wax badan. Laakin halkan si fiican ayaad u seexan kartaa, si fiicanna waad u tababaran kartaa una ciyaari kartaa.”

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee UK, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa dhaliyay 10 gool isagoo ka caawiyay Al-Fayah inay dhameystaan xagga sare ee ciyaarta, sidoo kale wuxuu siiyay xoojiyay Fashion Sakala iyadoo weeraryahanka Zambia uu dhaliyay 19 gool.

Iyadoo dad badan oo Afrikaan ah ay la qabsan karaan nolosha Sacuudiga, Onyekuru wuxuu garwaaqsanyahay in caqabadaha qaarkood ay weli jiraan.

“Makhaayada Afrikaana halkan kuma lihin, laakiin waanu maamulnaa.

“Marka aan dalka ku laabano waxaan isku daynaa inaan cuntooyinka keensano halkan si aan ugu sameysano guriga, ma filaysid ciyaaryahan Afrikaan ah inuu cuno baasto maalin kasta.”

Tirada ciyaartoyda ajnabiga ah ee kooxaha Pro League loo ogol yahay inay la soo wareegaan ayaa kor u kacday ilaa iyo 10 ciyaartoy, iyadoo 8 ay ahayd xilli ciyaareedkii hore iyokii kasii horreeyay oo ay toddoba ahayd.

Waxay ka dhigan tahay in ciyaartoydu ay kusii badanayaan nolosha boqortooyada.

“Waxa aan wada sheekaysanay ciyaartoy badan oo Nigeria ah mar kasta oo aan wada joogno xulka qaranka,” ayuu yiri Troost-Ekong, oo isagu laftiisu la hadlay Onyekuru ka hor inta uusan ka tagin kooxda Giriiga ee PAOK isagoo aaday Sacuudi Carabiya sannadkii hore.

“Qaar badan ayaa xiiseynaya, hadda waxa aan halkaan joogaa in ka badan lix bilood, waxa aan ku siin karaa dulmar dhab ah, waxa anan ku dhiirigelinayaa ciyaaryahanno badan inay qaadaan tallaabadaas.”

Laga soo bilaabo tartamdooda Yurub iyo heerka caalamiga ah, qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda Afrikaanka ah ayaa horeyba isku yaqiin.

Troost-Ekong waxa uu aaminsan yahay in ciyaartoyda oo is yaqaan ay gacan ka geeystay in la sameeyo “ixtiraam labada dhinac ah”.

“Waxa aan la ciyaaray anigaa ah ka tirsan kooxda kasoo horjeeda Franck Kessie, Riyad Mahrez, Sadio Mane iyo Kalidou Koulibaly,”oo ah daafaca dhexe ayuu hadalkiisa ku daray.

“Mar kasta oo aan halkan ku arko aad ayaan ugu farxaa, midnimo iyo walaaltinimo dhab ah ayaa naga dheaxyesa.

“Waxa aan ka nimd isku meel waxa aanan isku dayeynaa inaan gaarno waxyaabo isku mid ah.”

Soo iibsashada ciyaartoyda hibada leh Afrika


William Troost-Ekong, oo u soo ciyaaray kubada cagta naadiyada todoba wadan oo Yurub ah, ayaa sheegay in ciyaartoyda da’da yar ay hadda doorteen inay si toos ah ugu biiraan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Afrika.Xigashada Sawirka,Getty Images
Halka koox kasta oo Pro League ay la soo saxiixan karto toban ciyaartoy oo ajnabi ah, laba ka mid ah kuwaasi waa inay dhasheen sanadkii 2003 ama ka dib.

Sida uu lagu arkay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo, tani waxay dhiiri galisay saxiixa ciyaartoyda da’yarta ah oo si toos ah uga imaanaya Afrika.

Al-Kholood ayaa la soo wareegtay ciyaartoyda khadka dhexe ee Nigeria Ambrose Ochigbo oo ka yimid kooxda Tunisia ee ES Zarzis, halka Al-Qadsiah oo aan horyaalka usoo djhaweyn ay keeneen weeraryahanka 18 jirka ah ee Jerry Afriyie oo ka tirsan kooxda heerka labaad ee Ghana ee Thoughts FC.

Afriyie, si kastaba ha ahaatee, wax hadal ah kuma yeelan doonto halka loo socdo koobka horyaalka, isagoo amaah lagu siiyay kooxda reer Spain ee CD Lugo.

“Waxaan u maleynayaa in Pro League uu noqonayo mid soo jiidasho leh dhanka ciyaartoyda si ay tallaabada tooska uqaataan Afrika,” ayuu yiri Troost-Ekong.

“Ambrose iyo kuwa kale waxay dooranayaan inaysan marka hore aadin Yurub.

“Marka aad ciyaartoy da’yar ka hesho, waxaad haysataa fursad aad ku horumariso, ku tababarto iyo in aad qayb ka noqoto mashruuca.”

WARARKA