spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Deegaanka iyo Kuwa Xogga Dalka Oo La Wareegay Bacaadweyne

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Wararka Ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa Sheegaya in Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka ay goordhow gudaha u galeen inta badan Magaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.

Dagaal kooban ayaa ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada, iyada oo Argagixisada laga saaray meelo badan.

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka ayaa sheegay in ay la wareegeen inta badan magaalada, balse wali ay ku daba jiraan kooxo yar oo argagixiso ah kuwaas oo u firxaday dhanka Camaara.

Ciidamada ayaa ku hawlan sugida amniga iyo baaritaanka kooxahan ka baxsaday.

Dhanka kale, shacabka magaalada ayaa soo dhaweeyey la wareegidda ciidanka, iyaga oo muujinaya rajo ku saabsan sidii amniga magaalada dib loogu soo celin lahaa.

WARARKA