spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Doondardiir.

Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa saaka aroortii hore fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al shabab, kaasoo ka dhacay deegaanka Doondardiir, oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Xuddur.

Howlgalkaan oo ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa ciidanku ku beegsaday goob ay Khawaarijtu gabaad ka dhiganayeen. Dagaal kooban kadib,ciidanku waxay dileen 11 kamid ah Kooxda Al shabaab halka ay gacanta ku dhigeen labo gaari oo ay khawaarijtu isticmaalayeen hub iyo saanadkale sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka .

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegtay in ciidanku ay si buuxda u burburiyeen xaruntii Al shabaab ku dhuumaalaysanayeen, taasoo dhibaato ku haysay shacabka deegaanka.

WARARKA