Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi shalay sheegay, in isaga iyo madaxweynaha Ukrainian Volodymyr Zelenskyy ay saxiixi doonaan heshiis u ogolaanaya Mareykanka xuquuq la taaban karo oo uu ku yeesho macdan naadir ah oo ay leedahay Ukraine.
Macdantan dhulka ee dhifka ah ayay Washington u heleysaa magdhawga hubki ay u dirtay Kyiv, kaas oo ay u adeegsatay iska caabbinta Ruushka oo dagaal ba’an ka wada Ukraine muddo saddex sano ah.
Madaxweyne Trump ayaa kulanki u horreeyay ee Golahiisa Wasiirrada isugu yimaadeen shalay ka sheegay, in Zelenskyy uu iman doono Aqalka Cad maalinta Jimcaha ah ee foodda nagu soo haya, si uu u saxiixo heshiiska isla markaana uga hadlaan xaaladda dagaalka.
Heshiiskan ayuu ku tilmaamay mid hanti badan u keenaya Mareykanka, laakinse uu hadda hadafkiisa koowaad yahay soo afjarista dagaalka.
“Arrinta labaad ayaa ah in naloo soo celiyo lacagta. Saanaddeena la’aanteed dagaalka mar hore ayuu dhamaan lahaa.” Ayuu yiri madaxweyne Trump.
Mareykanka ayaa Ukraine u diray hub ku kacaya in ka badan 100 bilyan oo dollar, si uu ugu taageero dagaalka ay Ukraine kula jirto Ruushka. Hubkaas iyo rasaastaas ayaa Kyiv la siiyay muddadi uu Aqalka Cad maamulayay madaxweynihi hore Joe Biden.