Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} KHAN YOUNIS — Xamaas ayaa Arbacadi shalay wareejisay maydadka afar ka mid ahaa la heystayaasha reer Isra’il ee lagu hayay Gaza, taas oo ay Isra’il ku baddalatay boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Israa’iil ayaa la wareegtay sanduuqyo ay ku jiraan medyadka afarta laheyste, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu saacadihii hore ee Khamiista maanta.
Xabbad joojinta jilcisdan ee gabagabada ah waxay dhaqangashay 19-kii bishii lasoo shaafay ee Jannaayo, inkastoo dib u dhacyo badan ay ku yimaadeen. Laakiin wejiga koowaad ayaa lagu wadaa inuu dhammaado toddobaadkan.
Waxaan weli la ogeyn halka uu ku dambeyn doono wajiga labaad ee xabbad joojinta, kaasoo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka. Xamaas ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan helin wax soo jeedin ah.
Israa’iil ayaa Sabtidii diiday in ay sii deyso maxaabiis ka dib markii Xamaas xaflad ay soo agaasintay ay ku wareejisay lix la heyste. Xafladda oo loo sameeyay si masraxiyad leh ayaa ka careysiisay Isra’il.
Xamaas ayaa dadka Qaza hortooda kusoo bandhigayay la haystayaal nool iyo kuwa dhintay oo meydadkodda ay sanduuqyo kusoo rideen.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lagu wado in la sii daayo ayaa waxaa ku jira 445 rag ah iyo 24 dumar ah iyo caruur aan qaangaar ahayn oo lagu xiray gaza, sidoo kale 151 maxbuus oo xabsi daa’in ku xukuman kuwaasoo loo heysto weerarro dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Israa’iil, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Xamaas.