spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey ku Soo Arkeen waddooyinka Caasimada. Wasiir Fartaag iyo Gudoomiye Amiir.

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen Amniga iyo bilicda Caasimadda ku tagay qaar kamid waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaan inta uu socday mas’uuliyiinta waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, iyaga oo ka wareystay xaalada amniga magaalada iyo horumarada isdaba jooga ah ee Caasimadda kusoo siyaadaya.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa faray Waaxaha Dowladda Hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargaliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego Bulshada.

—DHAMMAD—

WARARKA