Jimco 22, Nov 2024 {HMC} Maamulka Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay dhul baaxaddiisu dhan tahay 1,400 acre oo ku yaalla Xadka Maraykanka uu la wadaago Dalka Maksiko si looga dhiso goobaha lagu heyn karo tahriibayaasha ka booda Xuduudda gidaarka ah ee Dalalkaas ay wadaagaan.
Xafiiska guud ee Dhulalka Texas ayaa xaanshi uu soosaaray waxa uu si kal iyo laab ah usoo dhabeeyay go’aanka lagu xakameynayo soogalootiga xad dhaafka noqday sanadihii u dambeeyay ee uu wado Madaxweynaha Dooran ee Donald Trump.
Madaxweyne Trump oo Aqalka Cad u guuri doonna marka la gaaro 21ka Janaayo 2025 ayaa sii diyaarsaday guddi gaar ah oo dhaqangeliya ballanqaadkii uu kusoo ololeeyay ugana guuleystay Kamala Harris ee ah in dalkiisa ka celin doonno tahriibayaasha gidaarka kasoo booda.
Muhaajiriinta darbiga xuduudda ah ka booday waxaa kamid ah Soomaali iyo muwaadiniin kale oo u kala dhashay Dalal kala duwan, waxaa socda qorshe ay wadaan Xildhibaanno ay kamid tahay Ilhaan Cumar oo ay ku diidayaan sida loo beegsan karo soogalootiga.
Mr Donald Trump iskaba dhaafee kuwa soo galaya Dalkaas waxaa cabsi xooggan ka muujinaya kuwii horay u booday ee qaarkood weli xabsiga ku jira iyo qaar kale oo Booliiska looga daayay damaanad, waxa ay weli sugayaan sharciga Dalkaas.