spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Putin oo shaaciyey in NATO ay soo weerartay Dalkiisa

Khamiis , 21 November {HMC} 2024 – Ruushku wuxuu sheegay inuu ku aargudan doono hubka Nukliyeerka oo ku garaaci karo Caasimadaha Wadamada Wadamada NATO.

Madaxweynihii hore ee Ruushka ahna Kuxigeenka Gollaha Ammniga Qaranka Ruushka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ruushku uu ku aargudan karo hubka Nukliyeerka.

Hadalkan ayaa imanaya xili Yukrayn ay gantaalada ridada dheer ay ku garaacayso Ruushka kadib markii ay u fasaxeen Wadamada Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, Isla markaana Ruushku shalay wax kadabalay siyaasadiisii adeegsiga hubka aadanaha gumaada ee Nukliyeerka.

Talaabadan ayaa ka caraysiisey Ruushka waxay sheegeen iney falkaasi u aqoonsanayaan in gaashaanbuurta NATO si toosa usoo weerartey Ruushka, taasi ay waajibineyso iney isku difaacaan hubka Nukliyeerka.

Madaxweynaha Turkiga, Hogaamiyaha Jarmalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga ayaa dhamaantood talaabadan kahor yimid.

Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisal Wasaaraha Talyaanigu waxay sheegeen iney taageerysanayn go’aanka Madaxweynaha Mareykanku ugu fasaxay Yukrayn iney gantaalada ridada dheer ku garaacdo gudaha Ruushka, halka Hogaamiyaha Jarmalka sheegay in Berlin ay dooneyn iney ku lug yeelato xiisada Ruushka sidaa darted ayna marnaba siineyn gantaalada ridada dheer Yukrayn.

Ruushku waa wadanka haysta madaxda ugu badan ee hubka halista badan ee Nukliyeerka, waana wadankii labaad ee hubkaasi gacanta ku dhiga kadib Mareykanka.

[td_block_5 modules_category="image" modules_on_row="eyJhbGwiOiI1MCUiLCJsYW5kc2NhcGUiOiIxMDAlIn0=" modules_category1="image" show_cat2="none" show_com2="none" show_author2="none" columns="50%" columns_gap="eyJsYW5kc2NhcGUiOiI0MCIsInBvcnRyYWl0IjoiMjgifQ==" image_width2="eyJwb3J0cmFpdCI6IjM1In0=" modules_space1="eyJwaG9uZSI6IjIxIiwiYWxsIjoiMjEifQ==" limit="16" show_excerpt1="" show_excerpt2="none" hide_audio="yes" category_id="5" show_com1="none"]

WARARKA