Talaado 19, Nov 2024 {HMC} Maamulka Waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay in mintidiin ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo marayey meel u dhow xuduudka Afghanistan, ayna dileen ugu yaraan 8 askari.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Khyber oo ah degmo xuduudeed ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, waxaana lala beegsaday askar ku soo laabatay saldhigooda kadib howlgal ka dhan ah fallaagada.
Weerarka gaadmada ah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari, oo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidatay sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah saraakiisha amaanka oo diiday in la maagcaabo kuwaas oo la hadlay VOA.
Iska horimaad kaa xigay ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku dhinteen dhowr qof oo weerarka soo qaaday.
warbaahinta militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga hadlin weerarka dadku ku dhinten iyo khasaaraha la sheegay ee ka dhashay.