spot_imgspot_imgspot_img

Jubaland oo soo bandhigtay ciidankii sugi lahaa amaanka Doorashooyinka

Talaado 19, Nov 2024 {HMC} Magaalada Kismaayo maanta waxaa lagu soo bandhigay ciidamo boolis ah oo loo diyaariyay inay sugaan amaanka goobta ay ka dhaceyso Doorashada Jubbaland.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta soo bandhigay ciidankii sugi lahaa amniga doorashadda, xili Jubaland uu ka socdo u diyaargarowgii u dambeeyey ee doorashooyinka isku sidkan ee madaxtinnimada iyo Baarlamaanka.

Taliyaha Guud ee Qeybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa goob fagaare ah kula hadlay, asagoo kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada.

Magaalada Kismaayo ayaa gashay jawi doorasho, saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemay kulamada odayaasha dhaqanka iyo Guddiga Doorashada ay ka lahaayeen soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland.

Amaanka guud ee magaalada ayaa la adkeeyay todobadkaan, ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo kordhiyay kuwii hore u joogay xarumaha muhiimka ah ee Jubaland sida Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo goobaha kontoroolada ee magaalada laga soo galo oo gadiidka iyo dadkaba la baarayo.

WARARKA