Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ethiopian kii ku soo qaxay Magaaladaasi ay bilaabeen xaalufinta birihii magaaladaasi yaalay.
dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Oromada ee ka so jeedo Itoobiya birihii dhan ay u daabuulaan warshadahaha biraha ka shaqeeya ee Dalka Ethiopia.
Bile oo kamid ah dadka degaanka ayaa mid kamid ah warbaahinta gudaha u sheegay in Ethiopiankii Oromada iyo Amxaaradu ay bilaabeen inay labaxaan astaamaha loo sameeyo qabuuraha ku yaala magaaladaasi taasi oo xadgudub ku ah shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.
Bile waxa uu xusay in magaalada gudaheedi loogu kiilo kiileeyo biraha iyo jaqafyada kale ay Qabuuraha kala soo baxaan waxaana laga siiyaa 20 sinti midkiiba.
Waxa uu ninkaan tilmaamay in shacabka hadda ay la’yihiin birihii ay faasaska ay ka sameysan jireen xitaa maadaama wixii biraha ee Caabudwaaq yaalay ay labadaan Qoomiyadood ee kusoo guuray Magaaladan ay xaalufiyeen.
Dhowaan ayay ahayd markii Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu dilay laba nin Ethiopian ah oo Qoomiyadda Oromada ah kuwaasi oo ku lug yeeshay ka ganacsiga biraha oo dhowr jeer looga digay inay suuq geeystaan.