Jimco 15- Nov-2024 {HMC} João Manuel Gonçalves Lourenço oo ah Madaxweynaha Wadanka Angola ayaa warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Isaaq,kaas oo fadhigiisu noqon doono caasimadda Luanda ee dalkaasi.
Kulankii qaabilaadda kadib waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan arrimaha siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Intii ay Socotay munaasbada gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa Safiirka cusub ee Soomaaliya waxaa uu sallaan uu ka sidday madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaarsiiyay madaxweynaha Angola João Lourenço.
Maxamed Sheekh Safiika Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo jaaliyadda Soomalida ee ku nool wadankaas si uu ugu gudbiyo waxqabadka dowladda iyo horumaradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.