Khamiis 14, Nov 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay Kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa intii socday waxa labada masuul isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si gaar ah waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan dagaalka ka dhanka ah Al- shabaab.
Dhanka kale, James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isaga oo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara.
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto.