Talaado 12, Nov 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaan ka heleynaa dilkii maanta loo geystay AUN Xasan bare Makaraan gudoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasada ee degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan kaas oo ka dhacay deegaanka ceel-hareeri ee gobalka Hiiraan.
Gudoomiye xasan bare makaraan iyo ciidamo uu wato ayaa galankii hore ee maanta ku baxay goob ay jid gooyo u tiilay rag hubeysan oo dhac u geysanayay gaadiidka iyo dadka shacabka ee ku safro wadadadaas si uu uga qaado isbaarada ay dhigteen kooxda dilka u geysatay sida uu hiiraanweyn u sheegay gudoomiyaha Dagmada Moqokori.
kooxdii ay u taalay isbaarada ayaa rasaas huwisay gaarigii uu saarnaa AUN Gudoomiye makaraan waxaa haleeshay mid ah rasaastii ooda looga qaaday waxaana gaaray dhaawac daran.
Dhaawaca gudoomiyaha ayaa dib loogu soo celiyay magalaada moqokori oo waqti kooban ka dib uu u geeri, sidda uu Hiiraanweyn u sheegay gudoomiyaha degmadda moqokori.
Waxaa hadda socda baaritaan lagu raadiyo ragii dilka geystay si gacanta loogu soo dhigo cadaaladana loo marsiiyo.
Maalinta biri ah ayaa lagu wadaa in la aaso meydka Allaha u naxariistee Xasan bare makaraan, gudoomihii hore ee degmada Moqokori haatana ahaa gudoomiye xigeenka Amniga iyo siyaasada Dagmadaas.