spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Yihiin Nimanka Qatarta Ku Ah Amniga oo aay Nisa Qabatay?

Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} –  Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood, kuwaa oo lagu eedeeyay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaayeen dhinaca sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta raggan la qabtay isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto, iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Al Shabaab ku dhibaateyso shacabka.

Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Al Shabaab u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda, kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

WARARKA