spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaanada BJFS ee Kasoo Jeedo Jubbalan oo Gaaray Kismaayo

Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland waxaa maanta soo gaaray inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland, kuwaas oo bilowga todobaadka soo socda ka qeyb galaya kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam.

Xildhibaanada maanta yimid waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kuso dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo xubno kale oo muhiim ah.

WARARKA