spot_imgspot_imgspot_img

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐥𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 AS

Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029).

WARARKA