Arbaco 6, Nov 2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday dalkaasi waxaana uu la tartamayay Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Kamala Haris.
Guusha uu gaaray kadib, Madaxweyne Trump waxa uu khudbad ka hor ka jeediyay taageerayaashiisa oo iskugu soo baxay xaruntiisa ol’olaha ee Palm Beach, ee gobolka Florida, waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in uu ku dhawaaqi karo guusha uu gaaray, taasi oo uu ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay qof kasta, waxa uuna doorashada ku tilmaamay dhacdadii siyaasadeed ee ugu weyneyd ee dalkaasi ka dhacda.
Trump wuxuu sheegay in isaga iyo Taageerayaashiisa ay sameeyeen natiijo Taariikhi ah guusha ay kasoo hoyeen inta badan doorashadii ka dhacday gobolada dalkaasi.
Isagoo ka hadlaayay dhibaatooyinkii uu la kulmay intii uu ku jiray ololaha doorashada waxa uu yiri: “Waxaan ka gudubnay caqabado waaweyn oo aanan filayn inaan ka gudbi doono, waxaanan uga mahadcelinayaa shacabka Mareykanka guushan siyaasadeed ee aan gaarny, sababtoo ah waxaad doorateen madaxweynihii 47aad.
Trump ayaa ku tilmaamay waqtigiisa madaxtinimo inuu yahay waqtigii dahabiga ahaa ee Ameerika, waa guul cajiib ah oo u soo hoyatay shacabka, waxaan markale ka dhigi doonaa Mareykanka mid weyn.
Trump wuxuu ballan qaaday inuu dadka Mareykanka uga farxin doono doorashadiisa: “Waxaad dhihi doontaa waan ku saxneyn inaan ku doorano”.
Trump waxa uu tilmaamay in “Jamhuuriyiintu ay gacanta ku hayaan aqalka senate-ka, waxaana sii wadi doonaa xakameynta Aqalka Wakiilada.”
Trump ayaa sidoo kale u mahadceliyay xaaskiisa Melania, isagoo ku sifeeyay inay tahay marwada koowaad ee Mareykanka iyo inay heysato “Buugaagta loogu iibinta badan yahay dalka, waxay qabatay shaqo cajiib ah oo adag, waxaana u mahadcelinayaa dhammaan qoyskayga.”
Intii uu khudbada jeedinayay Trump waxa uu taabtay dhibaatada ka jirta xuduudka, waxa uuna yiri “Waa in aan xirno xuduudaha oo aan cidna u ogolaan in ay soo gasho, waase haddii ay si sharci ah noogu soo laabtaan”.
Trump ayaa sidoo kale ka hadlay “joojinta dagaalada” isagoo intaa ku daray rabitaankiisa ku aadan in ciidamada Mareykanka ay noqdaan kuwa “xoog leh” wuxuuna yiri “Shiinaha ma haysto waxa aan haysano.”
Waxa uu intaa ku daray, “Ilaah baa naftayda badbaadiyey sabab, sababtaasna waa Ameerika.”
Trump ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Hawsha i hortaalla ma fududa, waxaana bixin doonaa wax kasta oo aan awoodo, tani waa sharaf weyn, idinkana yeeli maayo inaad ka shallaysaan, Ameerika way ka fiicnaan doontaa sidii hore”.