Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 2 bishaan ka soo billaawday magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray War-murtiyeed la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhin loo sameeyay Madaxda dowlad goboleedyada.
War-murtiyeedkaa ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu ay dhisi doonto guddi qaran oo madax bannaan, kaasi oo ka shaqeyn doona doorashooyinka iyo xuduudaha.
Golaha Wadatashiga Qaranka ay isla gartay in doorashooyinka dowladaha hoose lagu qabto bisha Juun 2025, iyo in doorashada baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda ay dhacdo Sebteembar 2025, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka