spot_imgspot_imgspot_img

[DAAWO SAWIRADA} Sodma oo Muqdisha Ka Furtay Shir Muhiiim Ah

Axad 27-Oct-2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dhisidda Guddiga Xiriirka Maareynta Musiibooyinka ee heer qaran, waxaana kala soo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda degaanka iyo is-beddelka cimilada Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, Agaasimaha waaxda gargaarka gobolka Banaadir Muxyadin Maxamuud, iyo Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Galaanbe.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad goboleedyada, Hay’ado heer federal ah, khubarro iyo saraakiil sare oo ka socotay Hay’adda Cunnada Aduunka ee Qaramada Midoobay, Rugta Ganacsiga, bulshada rayidka ah iyo madax ka socotay xafiiska Somali Crises Recovery Program waxaana maalgaliyay dhisidda guddigan Baanka Aduunka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa kawarbixiyey u jeedka shirkaan, isagoo xusay in Maareynta Musiiboyinka aysan ku filneen hal Hay’ad, loona baahanyahay in la isku kaashado sida loo maaraynayo masiibooyinka dalka ka dhaca ee dhibaateeya dadka, degaanka iyo dhaqaalaha.

WARARKA