spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahina Kasoo Baxayo Dhimasho Iyo Dhaacaw Ka Dhacay Beledweyne

Axad 27-Oct-2024 {HMC}  Kunaani Nuur oo ahaa farsamayaqaan Baabuurta sameeya oo si weyna looga yaqaanay Magaalada Baladweyne ayaa u geeriyooday Manta dhaawac Culus oo shalay gaaray. Waxaana dhawaciisa lagula tacaalayay isbitaalka Magaalada.

Xiliga uu falka dhacayay ayaa la sheegay in marxuumka uu ka shaqeynayay gaari Ciidan oo lagu Sameeynayay Xerada Lama galaay. Ninka dilka geeystay iyo Marxuunka goobta shaqada ka haayay ayaa Muran soo kala dhax galay, Waxaana intaasi kadib uu ku furay Rasaas.Sidoo kalle waxaa dhaawac uu soo gaaray sarkaal ka tirsan Ciidmaada Xooga dalka Soomaaliya oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale Ciidmaada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka iyo dhawaca ka geeystay Xerada Ciidamada Lama-galaay, Mana jirto wax War ah oo kasoo Maamulka degmada iyo Saraakiisha Amaanka.

Xaalada Amaan ee Magaalada Baladweyne ayaa Mudooyinkii dambo Soo hagaageeysay, waxaana dadka Xafaadaha ay Sameeysteen Ciidamo kuwa deegaanka ah kadib markii ay kordheen Falalka Amaanka Daro.

WARARKA