spot_imgspot_imgspot_img

Xiisad Dagaa oo Manta ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose.

Axad, October, 27, 2024 (HMC) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay maanta ka jirto deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolkaas.

Ilo ku sugan deegaanka Yaaqbariweyne ayaa warbaahinta gudaha u sheegeen in xaalada deegaankaasi ay tahay mid aad u kacsan, islamarkaana laga cabsi qabo in gudaha deegaankaas uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad hubeysan.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa qorsheynaya iney la wareegaan gacan ku heynta guud ee deegaanka Yaaqbariweyne oo haatan ay gacanta ku hayaan intiisa badan Maleeshiyaadka hubeysan.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii gudaha deegaankaas ay ku wada dagaalameen ciidanka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaadkan hubeysan, waxaana dagaalkaasi la sheegay iney ku dhinteen ilaa 6 ruux oo labada dhinac isugu jiray.

Dagaalada kusoo laablaabtay Yaaqbariweyne ayaa la sheegay iney yihiin ku salka ku hayo lacago caanshuuraad ah oo ay deegaankaasi ku qaadaan Maleeshiyaadka, iyadoo Koonfur Galbeedna ay diidan tahay lacagaha ay halkaasi ku qaataan maleeshiyaadka hubeysan.

WARARKA