spot_imgspot_imgspot_img

Madaxda Laamaha amniga oo laga dhagaytay warbixin ku saabsan amniga Caasimada.

Axad 27-Octo-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenka Booliska, Kaaliyaha dhanka amniga ee hay’adda NISA iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir ayaa kormeer wadajir ah ku tagay degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Benaadir.

Kormeerkan waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubay, iyagoo socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo maray dhammaan waaxyaha labada degmo, waxayna wasiirka iyo saraakiishu u kuur galeen hannaanka shaqo ee Ciidamada Ammaanku ay waajibaadkooda u gudanayaan.

Dadka shacabka ee intii kormeerku socday ay la kulmeen ayey madaxda amnigu kala hadleen sidii ay u gudan lahaayeen doorkooda arrimaha amniga iyo caqabadaha ay la kulmaan, si loo wanaajiyo xiriirka bulshada iyo Hay’adaha Amniga ee dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale ayaa xalay Ciidamada ammaanka kala qayb galay, howgallo saf ballaaran ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala qayb galay socod dheer oo amni xaqiijin ah oo lagu soo maray dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamadu u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana shacabka ka xog wareystay caqabadaha amni ee ay la kulmaan.

Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa wadajir u faray Saraakiisha ciidamada in ay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga magaalada, iyaga oo xusay in ay joogteyndoonaan kormeerada loogu kuur galayo shaqada ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka argagixisadu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKA