spot_imgspot_imgspot_img

Wasaarada Badroolka oo raali gelin ka bixisay arrin caro badan abuurtay

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Wasiirka Badroolka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo goordhow la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa raali gelin ka bixiyay Maap-kii ay soo daabacday Wasaaradda ee shalay la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ahaa qalad ka dhacay kooxda farsamada ee Wasaaradda oo Map hore soo daabacay

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka xun yahay qaladkaas dhacay, raali gelinna uu ka bixinayo.

Maamulada Puntland iyo Hirshabeelle ayaa si weyn u diiday qariidadda ay soo daabacday Wasaaradda oo uu ku jiray qaladaad badan oo gef ah, iyadoo HirShabeelle ku hanjabtay in ay shirka ka bixi doonto haddii aan raali gelin laga bixin.

Maapka muranka dhaliyey ayaa mid sanado badan ay sameysay mid ka mid ah heyadaha qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya waxaana shalay lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday dekeda Muqdisho oo lagu soo dhoweynayey markabka Turkiga ee shidaal sahminta ka bilaabaya xeebaha Somalia qeybo ka mid ah.

WARARKA