spot_imgspot_imgspot_img

Puntland oo Si Kulul U Cambaareeysay Qariirad aay Soo Bandhigtay DFS

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaaraysay, islamarkaana nasiib darro ku tilmaantay khariirad ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo muran gelisay gobollo iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku cambaaraysay khariiraddaasi muranka gelisay degaannada ka tirsan gobollada iyo degmooyinka Puntland

“Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

“Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinkani keeni karaan xasilooni daro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

WARARKA