spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidanka Itoobiya & Jabhadda FANO oo ka socda duleedka Addis Ababa

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidanka Federaalka iyo kuwa Jabhadda FANO uu ka socdo duleedka Magaalada Addis Ababa xarunta Dalkaas, dagaalkaan waxa uu billowday kaddib markii Abiy Ahmed uu ciidan dheeraad ah geeyay furimaha dagaalka.

Jabhadda FANO oo maalmihii lasoo dhaafay ku siqeysay Magaalada Addis Ababa ayaa weerarro kala hortagtay ciidamada dheeraadka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku kordhiyay Furimaha Dagaalka si ay u adkeeyaan difaacyada Dagaalka.

Dagaallada Sokeeye ee ka jira gudaha Dalka Itoobiya ayaa saameyn taban ku reebay isu socodka qaybo kamid ah Gobollada Dalkaas, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa kordhisay ciidamada Federaalka ee ilaalinaya Magaalada Addis Ababa oo dhanka kale ah xarunta Midowga Afrika.

Dagaalyahanada Jabhadda FANO ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaallo ay ka duubtay Askar ay sheegtay in ay ku qabatay dagaallada socda, qaarkood oo ka hadlay sida gacanta loogu dhigay, ujeedka dagaalkooda iyo arrimo kale ayaa codsaday in la joojiyo dagaallada ka socda dalkaas.

Dagaallada ka dhex jira Xukuumadda Talada heysa Itoobiya iyo Ismaamullada ayaa billowday sanadkii 2020 kaddib markii Ismaamulka Tigray uu qabsaday doorasho ay diidday Xukuumadda Abiy Ahmed, markii dambe waxa uu murankooda isku baddelay dagaal toos ah oo ka dhacay Waqooyiga Dalkaas.

WARARKA