spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Puntland: Waxaan garab iyo gaashaan u ahay madaxweynaha Jubbaland.

Sabti 26-Octo-2024 {HMC}Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay taageerayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu qabsado doorasho uu maamulkiisa u madax bannaan yahay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan awood dastuuriya u lahayn inay soo faragaliso doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaaliya ay isku dayayaan inay laalaan dastuurada ay leeyihiin dowlad goboleedyada.

Deni wuxuu sheegay, dowladda Federaalka in aanay doonayn in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya, wuxuu sheegay in qorshaheeda uu yahay in dowlad goboleedyada taabacsan loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda.

Wuxuu sheegay dalku inuu khatar wajahayo, haddii madaxda dowladda aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu dalku marayo.

WARARKA