spot_imgspot_imgspot_img

Siyaasiyiinta Reer Awdal oo ku gacan seeyray Ururada Kasoo Jeeda Gobolkooda.

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, ee hore ugu ollolayn jiray saami qaybsiga iyo xuquuqda dadka gobolka, ayaa diiday in ay garab istaagaan ururada Hilaac iyo Barwaaqo oo gobolka laga leeyahay.

Saaka waxa ollolaha doorashooyinka u lahaa ururka Hilaac oo uu hoggaaminayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ah siyaasi iyo aqoonyahan caan ah, hadaba waxa dareenka dadka soo jiitay kadib markii la arkay Samatar oo kali ah oo fagaaraha ollolaha ee magaalada Borama taagan, isla markaana anay la socon siyaasiyiintii gobolku.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo aad uga hadli jiray baahida ay reer Awdal u qabaan in ay helaan xisbi ay leeyihiin iyo in anay ku qanacsanayn madaxweyne ku xigeen ee ay rabaan madaxweyne, ayaa si toosa ula saftay Waddani iyo Kaah, isaga oo reer Borama ugu baaqay in ay taageeraan Kaah.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo in badan u doodi jiray xuquuqda siyaasadeed ee gobolka ayaa Waddani ku biiray, sidookale, dhamaan siyaasiyiintii reer Awdal marka laga reebo Madaxweyne Ku Xigeen Saylici oo taageeray ururka Shacabka oo aan saamayn badan lahayn, ayaa ku biiray Waddani iyo Kaah, iyada oo dhawaan ay Waddani ku biireen siyaasiyiin reer Awdal ah oo uu hoggaanayo Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Waxa kale oo xusuus mudan in siyaasiyiinta xuquuqda gobolka ka hadasha ee uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Abiib, ay hore uga soo horjeedsadeen in ururadu ay u tartamaan kursiga madaxtooyada, iyaga oo garabka saaray mucaaradka.

Hadaba, waxaa shalay indhaha shacabka qabsaday siyaasiyiintii gobolka oo u ollolaynaya Kaah, maantana waxa la arkay Prof. Samatar oo kaligii masraxa taagan, kadib markii ay siyaasiyiintii gobolku dhabarka u jeediyaan.

WARARKA