spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo ka digtay khataro ku wajahan carruurta dhaawaca ah ee Gaza

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in daad gureynta caafimaad ee carruurta dhaawacyada halista iyo cudurrada qaba ee Gaza ay u muuqato in gabi ahaanba istaagtay, taasoo halis gelisay nolosha kumannaan qof oo carruur u badan.

Bukaannadaan ayaa qaba xanuuno halis ah iyo dhaawacyo daran, mana awoodaan in ay Gaza ku helaan dawo iyo qalliino sababo la xiriira go’doominta Isra’il ee Marinka Gaza iyo dagaallada muddada sannadka ka badan halkaasi ka socda.

Afhayeenka UNICEF, James Elder oo Jimcihi shalay wariyaasha kula hadlay magaalada Geneva ayaa sheegay, in daad-gureynta carruurta Gaza ay ka yartahay maalintiiba hal canug.

Carruurta u baahan in si deg deg ah dibadda loogu qaado ayuu sheegay in ay ka badan yihiin 2,500 oo u baahan gargaar deg deg ah. Gaabiska aadka u yar ee daad-gureynta ayuu sheegay in haddii sidaasi uu ku sii socdo ay noqon doonto in daad-gureynta ilmahaasi ay qaadan doonto wax ka badna 7 sano.

Wuxuu sheegay in sababtaasi darteed ay carruurta Gaza dhimanayaan. Carruurta ka badbaadday rasaasta, qaraxyada iyo madaafiicda ayuu sheegay in aysan ka bixi karin Gaza si ay u helaan daryeel caafimaad.

Laanta Caafimaadka Adduunka ayaa ku warrantay in in ka badan 15,600 oo bukaan ay u baahanyihiin daadgureyn caafimaad oo deg deg ah gudaha Gaza.

5,138 oo laga soo saaray Gaza ayaa kala bar ka mid ah qabay cudurka kansarka, halka 40 boqolkiiba ay qabeen dhaawacyo kasoo gaaray madaafiicda dagaalka.

WARARKA