spot_imgspot_imgspot_img

Shan askari oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay gantaal ay riday Xisbullah

Jimco 25-Octo-2024 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in shan askari oo ciidamadooda ah la dilay, 20 kalena la dhaawacay kaddib markii uu gantaal haleelay xili uu socday dagaal iyaga iyo Xisbullah ku dhexmarayay dhisme ku yaala koonfurta dalka Lubnaan.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay in shanta askari ee dagaalka lagu dilay ay dhammaantood ka tirsanaayeen kuwa kaydka, waxayna tirada dhimashada askarta Israa’iil ee lagu dilay dagaalka Lubnaan tan iyo September 30 ka dhigaysaa 32 askari sida ay sheegayso wakaaladda France Press.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Daniel Hagari ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada shanta askari.

Dhinaca kale ururka Xisbullah ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegay in uu weerar gantaallo ah ku qaaday saldhig milatari oo ku dhaw magaalada Xayfa ee waqooyiga Israa’iil.

WARARKA