spot_imgspot_imgspot_img

Blinken oo London kula kulmaya madaxda dalalka Carabta

Jimco 25-Octo-2024 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo madaxda dalalka Carabta kala hadlaya sidii loo joojin lahaa faafitaanka colaadda Bariga Dhexe.

Waxa uu la kulmayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee Jordan iyo Imaaraadka carabta, iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha Lubnaan.

Mareykanka ayaa sheegay in wadahadalada London ay siinayaan fursad ay uga faa’ideystaan ​​dilka Israel ee hogaamiyaha Xamaas, Yahya Sinwar.

Maalinta Axadda ah, ayaa lagu wadaa in madaxda sirdoonka Israa’iil iyo Maraykanku ay ku kulmaan Qatar si ay isugu dayaan in ay dib u billaabaan wadahadallada nabadda ee Gaza. Ma cadda inay Xamaas ka qayb qaadan doonto.

WARARKA