spot_imgspot_imgspot_img

Markabkii Shidaalka ka baarayay Soomaaliya oo soo gaaray Xeebaha Dalka & wafdi ka socda Ankara oo Muqdisho Yimid”

Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Markabka lagu magacaabo Oruc Reis ee Dowladda Turkiga usoo dirtay dhiggeeda Soomaaliya si loo baaro Shidaalka ku jira Badda Soomaaliya ayaa soo gaaray Dekedda Muqdisho waxaana socda munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabkaas.

Wafdi ka yimid Turkiga oo shalay gelinkii dambe caasimadda soo gaaray iyo madaxda Dowladda Federaalka ayaa ka qaybgalaya munaasabaddaan sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow soo dhaweynta markabkaan.

Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la dhisay ama la sameeyay sanadkii 2017, dhowaan waxaa soo sagootiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo howlwadeennada la socda u rajeeyay in ay ku guuleystaan howsha loo igmaday.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah XFS Cabdirisaaq Maxamed Cumar iyo Wasiiru-dowladaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Turkiga oo kulamo hordhac ah la qaatay.

WARARKA