spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo siinaya 130 milyan oo doolar gaxootiga Gaza

Jimco, 25 Oct 2024 {HMC} Isbitaal ku yaal Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah oo qaar carruur yihiin ay ku dishay duqeyenta Israel meel hore iskuul u aheyd xerada qaxootiga Nuseirat. Isbitaalka Al-cawda ayaa sheegay in iskuulka hoyi u ahaa dad soo barakacay.

Militeriga Israel ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa taliska Xamaas iyo xaruntooda hagista oo dhextaal iskuulka.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in Washington ay siineyso in ka badan 130 milyan oo doolar oo gargaar ah barakacayaasha Gaza.

Mr Bilinken ayaa Dooxa kula kulmay madaxda Qatar, wuxuuna wadaaa dadaalada lagu raadinayo xabad joojin. Qatar waa dhexdhexaadiye muhiim u ah dagaalka iyadoo xarunta Xamaasna ay halkaas ku taal.

Mr Blinken waxaa haysta caqabada waa weyn. Wadahalada xabadjoojinta ayaa joogsaday. Xamaasna kuma dhawaaqin hoggaamiyahooda cusub ilaa markii la dilay hoggaamiyihii hore Yaxa Sinwar.

WARARKA