spot_imgspot_imgspot_img

Israel oo askar hor leh looga Dilay Dagaalka Xadka Lubnaan

Jimco, 25 Oct 2024 {HMC} Iska horimaad ka dhacay xadka Lubnaan, ayaa lagu dilay 5 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil sida ay sheegeen warbaahinta Yuhuuda

Geeridan waxay sare u qaadaysa dhimashada ciidanka Israa’iil, iyadoo la arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka Israa’iil oo ka deggaya isbitaallada waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato iyo Tel aviv.

Dhinaca kale, Marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta oo la kulmaya gardarrada iyo xasuuqa sannadka ay ka wado Israa’iil, waxay maanta u ahayd maalin argagax leh oo xeryaha ugu weyn ee dadka ay ku barakaceen ee waqooyiga iyo bartamaha ay ka dhaceen weerarro xasuuq oo lagu dilay tobannaan carruur ah, xilli isbitaallada ay ka baxeen adeegga sababo la xiriira go’doonka ay geliyeen ciidanka Israa’iil oo ka hor istaagay dawada, cunada, biyaha iyo shidaalka

Xamaas iyo maamulka caafimaadka Qasa ayaa dalbanaya in si deg deg wax looga qabto xaaladda ka jirta waqooyiga iyo bartamaha Qasa.

Ururka Xisbullah ayaa weerar gantaallo culus ku qaaday gelinkii dambe ee maanta xarumaha saadka ee ciidanka Israa’iil ay ku leeyihiin gobolka waqooyiga ee ay Israa’iil heysato gaar ahaana inta u dhaxeysa magaalooyinka Acre iyo Nahariya, iyadoo inta uu weerarka socday la sheegay inay khasaare gaartay xarumaha militariga Israa’iil

WARARKA